4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2022
Midowga Afrika oo ka horyimid in dalka laga eryo wakiilkooda Soomaaliya Francisco Madeira
 

Sabti, April, 9, 2022 (HOL) - Guddiga Midowga Afrika ayaa walaac weyn ka muujiyay War-Saxaafadeed dhawaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, kaasoo ku aadanaa eryida Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira.

Guddoomiyaha midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa muujiyay inay kasoo horjeedaan eryida wakiilkooda, isagoo sheegay inay xushmaynayaan warqadda madaxweyne Farmaajo kasoo baxday ee lagu diiday eryida Francisco Madeira.

Moussa Faki Mahamat wuxuu xaqiijiyay inay ka go’an tahay inay sii wadaan xiriirka wada shaqeyn ee kala dhaxeeya Danjire Madeira gaar ahaan, iyo guud ahaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS).

Wuxuu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabaan Ambassador Madeira, wuxuuna ku celiyay sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadista dadaalka ay ku taageerayaan Soomaaliya si ay ugu dadaalaan soo celinta nabad waarta, amni iyo xasillooni.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowaan soo saaray amar dalka looga eryayo wakiilka Midowga Afrika oo lagu eedeeyay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online