4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu dooranayo magaalada Jowhar

Sabti, April, 9, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ay ka dhacdo doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Jowhar.

Kuraasta Maanta doorashadoodubka dhaceyso Jowhar ayaa tirsigoodu kala yahay HOP 024, HOP 106, HOP 140, waxaana kuraastaan qaarkood ka jiray mudooyinkii dambe khilaaf la xariiray in shaqsiyaad gaar ah loo xirayo, hayeeshee arintaasi markii dambe laga dhigay tartanka kuraasta kuwa furan.

Sadaxda kursi ee Maanta Jowhar lagu dooran doono ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Musharaxiin saameyn badan ku dhex leh siyaasada Soomaaliya, kursi HOP 024, waxaa ku fadhiyay Cabdiqaadir Caraboow Ibraahin, halka kursiga HOP 106, ay ku fadhisay Mina Xasan Maxamed, waxaana kursiga HOP 140, isna ku fadhiyay Cabdiqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa ah labada maamul ee wali aanan dhameystirin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, xili dhamaan maamulada kale ay soo wada gabagabeeyeen doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online