4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2022
Madaxweynaha Galmudug oo Koonfur Galbeed ka raali galiyay tabashada ay ka qabaan doorashada

Sabti, April, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoorqoor oo socdaal ku tagay magaalada Baydhabo ayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed raali galin ka siiyay tabashada arrimaha doorashada.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa sheegay inuu Koonfur Galbeed u tagay sidii uu xal ugu raadin lahaa sidii maamulka Koonfur Galbeed uu ugusoo noqon lahaa geeddi socodka dhameystirka arrimaha doorashada.

Qoorqoor ayaa ku ammaanay madaxweyne Lafta gareen inuu door muhiim ah kasoo qaatay xalkii loo raadinayay doorashooyinka Soomaaliya islamarkaana , wuxuu heegay inuusan marnaba caqabad ku noqon xal kasta oo laga gaaro qabsoomida doorashada.

“Maanta waxaan joognaa heer doorashadu gabagabo tahay, ma jirto state laga socon karo, ma jiro reer laga socon karo. Doorasho wax la isku darsaday oo wadar ogol lagu keenay, tanaasul iyo walaaltinimo ku timid baa meeshaas wax ku yimaadeen, taas ayay wax ku soconaysaa" ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Safarka Qoor qoor ayaa kusoo aaday xilli maamulka Koonfur Galbeed iyo xildhibaannada lagasoo doortay deegaankaas ay ku jiraan wadatashi ku saabsan arrimaha doorashada  iyo kuraasta la hakiya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online