7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2022
Madaxweyne Biixi "Labada Muqdisho madaxda ka ahi way ila soo hadleen, waan u mahadnaqay
 

Sabti, April, 9, 2022 (HOL) -  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadnaqay dhamaan madaxdii uga soo tacsiyaysay masiibadii suuqa Waaheen, wuxuuna sigaara u xusay madaxda iyo ganacsatada Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in ay lasoo hadleen madax tirro badan markii masiibadu dhacday kadib, wuxuuna sheegay in dhamaan Soomaalida Geeska Afrika, ay garab istaag u muujiyeen.

"Dhowr iyo afartan dowladood ayay madaxdoodu iga soo tacsiyaysay urruradana hadal kooda daa, baarlamaanada daa, dadka jaarka ah ee Af-soomaaliga ku hadla iyaga meelmay ay joogaanba, ka adhiga la jooga, ka geela la jooga ka magaalo jooga, qof soomaali ah oo aan arrinta ka gil gilan oo gurmanayn malaha" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa si gaara u xusay madaxda dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in ay lasoo hadleen, una soo tacsiyeeyeen isaguna uu u mahadnaqay.

"Muqdisho labada madaxda u ahi way ila soo hadleen madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu, madaxweynaha Maxamed Cabdillaahi Farmaajo wuu isoo wacay, wuu iga tacsiyadeeyay, waan u mahadnaqay, waxaa isoo wacay ra'iisal wasaaraha, waa i tacsiyadeeday waa uga mahadnaqay" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kadib markii uu ra'iisal wasaare Rooble lasoo hadlay, uu ku wargaliyay in uu usoo dirayo lacag uu Baanka Adduunku Somaliland usoo diray oo muddo ku xanibnayd qasnada dowlada Soomaaliya.

"Wuxuu ku daray isagu, waxaan idiin haynaa lacag la idiin soo diray oo  Baanka Adduunku bari hore soo diray, oo howlihii inaga dhexeeyay halkan u taalay, lacagtaa waxaanu ku dadaalaynaa in lasoo diro, waxan ku idhi waxad usoo dirtaa deg deg, sidii losoo saari karayaba, waaba ta ugu horaysa ee aanu suuqa Waaheen wax kaga qabanayno ninka diidan iyo ninka murmaya gabigeedaba waxaanu galinaynaa suuqa gubtay"

Madaxweynaha ayaa sidookale u mahadnaqay ganacsatada Soomaaliya, "Waxanan aad ugu mahadnaqaya ganacsatada Muqdisho ee markiiba shiray, ee dareenka muujiyay".

Madaxweynaha Somaliland ayaa sannadkii hore mar uu ka hadlayay munaasibada 26 Juun, sheegay in ay qasnada dowlada Soomaaliya ku  xanibantahay ku dhawaad 70 milyan oo adduunku ugu talo galay horumarinta Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online