7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 8 , 2022
Itoobiya : Madaxda u sareysa kooxda TPLF oo looga yeeray Maxkamadda sare ee dalka Itoobiya

Jimco, April, 8, 2022 (HOL) - Maxkamadda sare ee Itoobiya qaybta la dagaalanka Argagaxisada, ayaa xeer ilaalinta heer federal ee Itoobiya ku amartay inay maxkamadda hor keenaan Hoggaamiyaha TPLF Debretsion, Afhayeenka TPLF Getachow Reda iyo xubno kale oo kamid ah kooxda TPLF.

Dowladda ayaa sidoo kale ugu baaqday xubnahaasi kamid ah TPLF inay iska soo xaadiriyaan Maxkamadda, iyadoo dowladdu baaqan ay ku baahisay Warbaahinta iyo Wargaysyada kasoo baxa caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Geesta kale Booliska ayaa iyagu dhankooda waxay sheegeen in sababo amni dartood ay ku adkaatay soo qabashada xubnahan u sareeya kooxda TPLF.

Dhanka TPLF wali ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay, oo ku saabsan arrintan kasoo cusboonaatay dhanka dowladda, ee Maxkamadda looga yeeray hoggaaminta TPLF.

Arrimahan ayaa kusoo hagaagaya xilli dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday xabbad joojin, isla markaana ay ku raaceen xabbad joojintaasi kooxda TPLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]