7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 8 , 2022
Madaxweyne Qoorqoor iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ku wajahan Baydhabo

Jimco, April, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta kusii jeeda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Socdaalka Madaxweyne Qoorqoor uu ku tagayo Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweyne Qoorqoor iyo xubnaha ku wehlinaya safarkiisa Baydhabo ayaa lagu wadaa in galinka dambe ee Maanta halkaasi gaaraan, iyagoona kulan la qaadan doono madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen si ay ugala hadlaana xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee heerka gabagaba maraya.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Madaxweyne Qoorqoor uu si gaar ah ugala hadli doono Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen sidii loo xallin lahaa caqabadaha jira iyo khilaafka u dhexeeya Laftagareen iyo Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Dhawaan ayay aheyd markii maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay shaacisay iney joojisay wadashaqeyntii kala dhaxeysay Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay ku eedeeyeen inuu faragelin toos ah ku haayo doorashada iyo kuraas lagu doortay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online