7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 8 , 2022
Al-shabaab oo weerar khasaare geystay ku qaaday Saldhiga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Buurhakaba
 

Jimco, April, 8, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmada buurhakaba ee gobolka Baay.

Dadka ku dhaqan degmada Buurhakaba oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney maqlayeen dhawaqa madaafiicda oo ay sheegeen in ku dhaceen Saldhiga ciidamada Itoobiya kuwa ka tirsan howlgalka AMISOM ku leeyihiin degmada, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhaahay weerarka madaafiicda ee lagu garaacay xerada ciidamada Itoobiya ee Buurhakaba.

Dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka hadlay weerarkaasi madaafiicda ah ayaa waxay sheegteen iney madaafiicda la heleen gudaha Saldhiga ciidamada Itoobiya, islamarkaana ay ku dileen laba askari oo ka tirsan Militariga ciidanka Itoobiya sadax kalana ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in dhankooda jawaab celin ay ka bixiyeen weerarka madaafiicda ah, iyagoona riday hub aad u culus oo ay la bartilmaameedsadeen dhinaca madaafiicda looga soo weeraray, inkastoo aanan la ogeyn khasaaraha ka dhashay jawaab celinta ay sameeyeen ciidanka Itoobiya.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah la beegsata Saldhigyada ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ciidamada AMISOM ee ku kala sugan deegaano ka kala tirsan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online