7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 8 , 2022
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka hadlay khilaafka adag ee u dhaxeeya Rooble iyo Laftagreen
 

Jimco, April, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay khilaafka adag ee soo kala dhexgalay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu baaqay labada masuul iney khilaafkooda ku dhameeyaan wadahadal.

Sheekh Shariif oo bartiisa Facebook kusoo daabacay qoraal aad u dheer oo uu kaga hadlayo walaac uu ka qabo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Rooble iyo Laftagareen, islamarkaana salka ku haayo doorashada dalka iyo kuraasta dhawaan la sheegay in doorashadooda dib loogu noqonayo.

“Waxaan aad uga walaacsanahay kala ra’yi duwanaanshaha soo kala dhex gashay RW Rooble iyo Madaxweynaha KG Cabdicasiis Lafta Gareen taas oo khalkhal gelisey habsami u socodka doorashadii waqtiga dheer la sugayay soo gebagebeynteeda. Waxaan usoo jeedinaayaa Raiisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Lafta Gareen in ay raadiyaan xal looga gudbo caqabadaha jira iyo is faham waaga la xiriira doorashada, talaabo kasta oo la qaadayana waa in ay ahaataa mid isu dheeli tiran oo aan keeneyn dareen loo fahmi karo in maamul gaar ah la beegsanayo” ayuu yiri Sheekh Shariif

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku bogaadiyay shaqada Raysal wasaare Rooble iyo guddiyada doorashooyinka ee ku aadan bixinta shahaadada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

"Waxaan diyaar u nahay in aan ka qayb qaadanno xal u helidda iyo is fahamka Raysal wasaaraha iyo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya. Waxaan sido kale u mahad celineynaa beesha caalamka iyo daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka dalka sida wanaagsan ee ay inoo garab taagan yihiin, guud ahaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaana doorashooyinka" ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hadalkaan kasoo baxay madaxweynahii hore ayaa imaanaya xili khilaafka u dhaxeeya Rooble iyo Laftagareen uu marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareerayo xili howlaha doorashooyinka ay marayaan heer gabagabo ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online