7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 8 , 2022
Jubbaland oo taageertay go'aankii dalka looga eryay Danjire Francisco Madeira

Jimco, April, 8, 2022 (HOL) - Madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa taageertay go'aankii Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu dalka kaga eryay Danjirahii Midowga Afrika ahaana madaxa howlgalinta ciidamada AMISOM Francisco Madeira.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Francisco Madeira uu ahaa shaqsi ka talaabay waajibaadkii laga rabay inuu guto, kana baxsan shaqadii loo igmaday inuu ka qabto gudaha Soomaaliya.

“Dowlad goboleedka Jubaland waxay soo dhawaynaysaa go’aanka masiiriga ah ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay Danjirahii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira, oo dalka laga caydhiyay kadib markii uu ku xadgudbay arimaha gudaha ee dalkeena taas oo xad gudub ku ah xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyada kana baxsan shaqadii loo igmaday. ” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Jubbaland.

War saxafadeedka kasoo baxay Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madeira inta uu howlgalka Midowga Afrika uu madaxa ka ahaa inuu si dalaalnimo ah uga dhex shaqeynaayay siyaasadda gudaha, islamarkaana uu ku dhex milmay isjiid jiidka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda Soomaalida.

“Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dalaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasada gudaha ee dalkeena isagoo ku milmay xarig jiidka siyaasada ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Francisco Madeira, waxaa uu qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubaland sidoo kale waxaa uu  ka horyimid heshiiskii Dowlada Jubaland iyo siyaasyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinka 2019-ka ee Jubbaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka ree Jubaland aan xal looga gaarin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Gabagabadii qoraalka kasoo baxay Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu wakiil uga yahay shacabka Soomaaliyeed hirgelinta himilooyinka iyo danaha ummada inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online