7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2022
Lafta gareen: Guddiga doorashada ee FIET wuxuu noqday meel Raysal wasaaruhu iska maamusho

Khamiis, April, 7, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen, ayaa sheegay guddiga doorashada heer federal inuu noqday meel raysal wasaaruhu sida uu doono u maamusho.

Madaxweynaha koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu ogyahay in guddoomiyaha guddiga doorashada uusan waxba kala soconin waxa lagu soo qorayo bogga FIET, islamarkaana uusan isagu lahayn go’aanka lagu xayiray kuraasta Koonfur Galbeed.

“Waxaa yaab leh, Page-ka uu leeyahay FIET, waxaa gacanta ku haya raysal wasaaraha, especially waxaa u haya wasiir ku xigeenka warfaafinta. Shalay waxaa lagusoo qoray warsaxaafadeed  xildhibaanno doorasho lagu celinayo.

“Markii lasoo saaray ayaan ninka guddoomiyaha ka ah guddiga wacay. Wax aan ka ogahay malahuu igu dhahay, oo ilaaheey igu ogyahay waan Soomanahaye. Wuxuu igu dhahay qorshaheenna wuxuu saaka ahaa, "kuraastan sharci uma hayno", waana sheegay in lasii daayo. Kadib warqadaanaan ayaan hadda arkay, hebel iyo hebel ayaa soo qortay, wax aan ka ogahay ma leh. Waxaan ku dhahay maaad sheegtid oo shir jaraa’id qabatid. Wuxuu igu dhahay waxaan ka baqayaa inay dhibaatadu sii badato,” ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa hadalkaan ka sheegay shir wadatashi oo uu maanta la qaatay xildhibaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo kawada tashanaya go’aanka guddiga doorashada uu ku hakiyay saddexda kursi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online