7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2022
Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay wasiir cusub

Khamiis, April, 7, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax u magacaabay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland.

Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash, oo hore u ahaa wasiirka gaadiidka iyo jidadka ayaa jagadan baneeyay, 31, March, kadib markii uu furtay urrur siyaasadeed, isla markaana uu iska casilay xilkii wasiirnimo.

Wareegtada madaxweyneha ayaa u dhignayd sidan:-

WAREEGTO MADAXWEYNE: 07 /04/2022.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-854/042022 uu ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online