7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2022
Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta deeq gargaar ah kala wareegtay dowladda Imaaraadka Carabta
 

Khamiis, April, 7, 2022 (HOL) - Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta la wareegtay deeq gargaar ah oo ka timid dowladda Imaaraadka Carabka, taaso isugu jirta noocyada kala duwan ee raashiinka qutul daruuriga ah.

Deeqdaan gargaaraka ah oo ka koobneed 26 Kunteenar ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kula wareegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Abuukar Axmed.

Agaasimaha Wasaaaradda Gargaarka  Xukuumadda Fedaraalka ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta deeqda Gargaarka ah ee Maanta soo gaarsiyeen dowlada Soomaaliya, isagoona sheegay in la Deeqdaan ay gaarsiin doonaan dadka baahida weyn u qaba ee saameysay abaarta.

Deeqdaan ayaa noqoneysa deeqdii shanaad oo ay dalka Soomaaliya soo gaarsiiyaan dowladda Imaaraadka Carabta, waxayna horey ay u keeneen magaalada Muqdisho dowladda Imaaraadka gargaar noocaan oo kale ah oo ay ugu talo gashay adka abaaraha ay saameyeen, iyadoona la gaarsiiyay gargaarkaasi magaalooyin kala duwan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Gargaarkan Maanta dowladda Soomaaliya kala wareegtay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kusoo aadaya xili wali qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ay ka jiraan xaalada Bani'aadanimo oo aad u daran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online