7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2022
Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo toogasho ku dilay nin dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda

Khamiis, April, 7, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay nin dil u geystay askari ka tirsanaa ciidamada Minishiibiyada, kaasoo ku sugnaa deegaanka Garasbaaleey ee duuleedka Caasimadda Muqdisho.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalo balaaran oo ay ka sameeyeen goobta uu dilka ka dhacay, isla markaana ay u suurta gashay in dilaan mid ka mid ah ragii ka dambeeyay toogashada lagu askariga Minishiibiyada.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ragga hubeysnaa ay askariga toogteen isagoo ku guda jira howlahiisa shaqo, islamarkaana ay dilkaasi si deg deg ah uga jawaab celiyeen ciidamada Booliiska ee ka ag dhawaa goobta, kuwaas oo toogtay ninkii dilay askariga.

“Dhagar qabayaal ka tirsan Shabaab ayaa weerar ku soo qaadey Askari minishiibiya ah oo Joogay deegaanka Garasbaalay  gaar ahaa waaxda 3-aad  ee Geedi ferdhiye Waxaana goobtii lagu diley Askarigii  minishiibiyada, Ciidankii Booliiska oo Goobta ku sugnaa ayaa  isla goobtii ku toogtey  mid ka mid ah kooxdii argigixisada aheyd ee  soo weerartey, kuwa kalana waan ku aba joognaa” ayaa yiri Afhayeenka Taliska Booliiska Soomaaliya.

Inta badan magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee dalka, waxaa dhaca dilalka noocaan oo kale ah ee lala bartilmaameedsado askarta iyo shaqaalaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo ay fuliyaan xubno ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online