7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2022
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyay aasaaska Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Khamiis, April, 7, 2022 (HOL) -  Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa soo dhoweeyay dhismaha howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

António Guterres ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay ka go’an tahay inay si buuxda u garab taagan tahay howlgalka ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Xoghayaha guud ee QM ayaa ku booriyay dhammaan bah-wadaagta Soomaaliya inay si degdeg ah u xaqiijiyaan maalgelin waara oo loo fidiyo ATMIS-ka iyo dib-u-dhiska ciidamada amniga Soomaaliya si ay u taageeraan isbeddelka amniga ee dalka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ammaanay guulaha la taaban karo ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ka gaareen Soomaaliya 15-kii sano ee la soo dhaafay.

Wuxuu u mahad-celiyay ciidamada AMISOM- iyo dalalka booliiska ku deeqay sida ay uga go'an tahay horumarinta nabadda Soomaaliya, wuxuuna sida uu sheegay soo dhoweeyay naf hurnimada AMISOM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online