7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2022
Maraykanka oo 114 Milyan oo Dollar Ku caawinaya gargaarka bini’aadantinimo ee Abaaraha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya
  

Khamiis, April, 7, 2022 (HOL) - Mareykanka ayaa ku dhaawaqay 114 milyan oo dollar oo uu ku bixinayo gargaar bini’aadantinimo oo dheeri ah si loo daboolo baahiyaha dadka ku nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, ee ay saameysay abaartu.

Soomaaliya waxay taageeradan dhaqaale ka caawin doontaa gargaar cunto ah lagu badbaadinayo in ka badan laba milyan oo qof bishiiba. Waxa kale oo loo isticmaali doonaa in lagu bixiyo nafaqeynta iyo daawaynta carruurta da'doodu ka yar tahay lix sano.

Itoobiya, taageeradani waxay ku bixin doontaa gargaar cunto oo naf badbaadin ah, helitaanka biyo nadiif ah iyo sidoo kale taageerada caafimaadka. Dhinaca Kenya, kaalmadan oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool woqooyiga iyo bari waxay qoysaska siin doontaa cunto iyo gargaar nafaqo oo loogu talagalay carruurta iyo hooyooyinka nafaqo-xumada hayso.

Mareykanka waa deeq bixiyaha ugu weyn ee bixiya gargaarka bini'aadanimo ee Itoobiya, Kenya, iyo Soomaaliya, isagoo ku dhawaad 161 milyan oo doolar ku bixiyay guud ahaan Geeska Afrika tan iyo bilowgii sanad maaliyadeedkan 2022.

Maraykanka wuxuu ugu baaqay deeq bixiyayaasha kale inay kusoo biiraan si loo kordhiyo gargaarkooda wax ka qabashada baahiyaha bini'aadantinimo ee ka dhashay abaarta sii xumaanaysa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online