7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo ceyrisay ergaygii Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira


Khamiis, April, 7, 2022 (HOL) -  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dalka ka ceyriyay ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira, isagoo ku amray inuu dalka uga baxo muddo 48 saacadood ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay u aqoonsanaysaa wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC), Danjire Francisco Madeira inuu ku kacay falal aan ku habboonayn maqaamkiisa wakiilka Midowga Afrika, waxaana lagu amray inuu ka baxo Soomaaliya. 48 saacadood gudahood." ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka codsaday Guddiga Midowga Afrika in ay u yeeraan Danjire Francisco Madeira oo ay u hoggaansamaan codsigaas.

"Waan soo dhaweyneynaa howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) waxaana rajeyneynaa inaan la shaqeyno madaxa cusub ee howlgalka," ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaan faah faahin ka bixin sababaha uu Madeira ugu amray inuu dalka ka baxo, balse waxaa mar walba jiray tuhuno la xiriira inuu saaxiib dhow la yahay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xil ka qaadista Danjire Francisco Madeira ayaa imaaneysa shan bilood ka dib markii dowladda Federaalka ay sidoo kale shaqada ka ceyrisay ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo November 4, 2021.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Simon Mulongo inuu faraha kula jiray howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istaraatiijiyadda amniga ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online