4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 6 , 2022
Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo shaaciyay in dib loogu noqonayo doorashada Afar kursi uu ku jiro kursiga Fahad Yaasiin

Arbaco, April, 6, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa goordhaw War rasmi ah kasoo saaray sababahii ay u hakiyeen afar kursi oo ka mid ahaa kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah HOP 154, HOP 103, HOP 204 HOP 086.

War saxafadeed kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ayaa lagu sheegay in dib loogu noqonayo doorashada afarta kursi, si loo saxo habraaca qaldamay, waxaana afarta kursi ay deegaan doorashadoodu kala tahay maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa sidoo kale qoraalkooda ku xusay iney dib kasoo sheegi doonaan goorta la qabanayo doorashada afartaan kursi iyo halka lagu qaban doono, waxayna sidoo kale tilmaameen in doorashada afartan kursi laga tixraacayo habraacii doorashadii sanadkii 2016.

Afartaan kursi ee Maanta ay sheegeen guddiga doorashooyinka in dib loogu noqonayo doorashadooda ayaa waxaa ku jira kursiga tirsigiisu yahay HOP 086, kaasoo doorasho Baledweyne ka dhacday 20-kii bisha Febraayo ee sanadkaan 2022-ka kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Go'aankaan kasoo baxay guddiga doorashada heer Fedaraal ayaa imaanaya xili Muqdisho ay ka socota shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana lagu wado in 14-ka bishaan la dhaariyo.

Hoos ka akhriso qoraalka oo faahfaahsan:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online