7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2022
Hey’adda NISA iyo AMISOM oo khilaaf dhanka amniga ah uu soo kala dhexgalay

 

Talaado, April, 5, 2022 (HOL) - Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Hey’adda Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM uu soo kala dhexgalay khilaaf ku saleysan arrimaha amniga xeyndaabka Xalane iyo Ayraboorka.

Khilaafkan wuxuu salka ku hayaa kadib markii ay AMISOM ku wargalisay ciidamo ka tirsan Nabadsugida NISA oo laba bar kantarool ku dhex leh xerada Xalane inay ka guuraan, sababo lagu sheegay walaac la xiriira dhanka amniga. 

Warka ay HOL heshay wuxuu intaas ku darayaa in ciidamada NISA ay ka horyimadeen dalabka AMISOM midaas oo keentay ismariwaa illaa iyo haatan ka dhextaagan labada dhinac. Waxaan la ogeyn in dalabka AMISOM iyo walaaca amni uu yimid kadib weerarkii 23-dii bishii hore ee March ay laba dabley oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig si adag loo ilaaliyo oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin qeybo ka mid ah Xalane oo ah meel aad ugu dhow ayraboorka Muqdisho ee Adan Adde International Airport. 

Khilaafkan cusub ee soo kala dhexgalay labada dhinac ayaa ku soo beegmaya kadib fariintii ugu dambeysay ee hey’adda NISA soo dhigtay boggeeda Twitter-ka midaas oo ay ku sheegeen inay jiraan iskudayo ay kooxda Al-Shabaab qorsheynayaan inay ku beegsadaan Madaxweyne Farmaajo iyo ra'isulwasaare Rooble.

Fariinta qoraalka la soo dhigay bogga Twitter-ka NISA, waxaa ka horeeyay hadal uu hore u jeediyay isbuucii la soo dhaafay ra’isulwasaare Rooble taas oo uu ku sheegay in loo soo diray fariimo hanjabaad ah.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasadda Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka ay marayaan meel xasaasi ah.

Hiiraan online news desk