7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2022
Beesha caalamka oo ugu baaqday Jubbaland iyo Hirshabeelle inay si degdeg ah usoo gabagabeeyaan doorashada

Talaado, April, 5, 2022 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay in 91% lasoo gabagabeeyay doorashooyinka aqalka hoose, sidoo kalena bogaadisay shahaado siinta xildhibaannada labada aqal ee barlamaanka.

Beesha caalamka ayaa ku boorrisay maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland inay sida ugu dhakhsiyaha badan usoo gabagabeeyaan doorashada kuraasta dhiman, si loo hubiyo in beelaha kuraastaas iska leh ay matalaad ugu yeeshaan Baarlamaanka soo socda.

Waxay beesha caalamka ugu baaqday madaxda siyaasadda Soomaaliya inay xaqiijiyaan in geeddi-socodka doorashada uu noqdo mid wadar-oggol ah oo ay ka dhalato natiijo la isla aqbalsanyahay.

“Waxaan aad uga xunnahay qaladaadkii doorashada ee faraha badnaa ee lagu arkay guud ahaan dalka iyo fashilka niyad-jabka leh ee ku yimid xaqiijinta qoondada 30% ee matalaadda haweenka ee baarlamaanka sida uu qabo heshiiskii 17kii Sebtember 2020. Waxaan rajeynaynaa in aan aragno haween badan oo la soo doorto maadaama kuraasta harsan ee Hirshabelle iyo Jubaland la soo gabagabeynayo," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay beesha caalamka.

Warka kasoo baxay beesha caalamka ayaa imaanaya, iyadoo dalka ku sugan yahay xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, iyadoo ay jirto kala qeybsanaan siyaasadeed oo aad u xooggan.

24-kii saac ee ugu dambeysay, waxaa Muqdisho ka dhacay go'aanno siyaasadeed oo mugdi galin kara qabsoomida doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online