7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2022
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyay geerida mulkiilihii hotel Dorbin ee magaalada Muqdisho

Talaado, April, 5, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta ka tacsiyadeeyay geerida Allaha u naxariisto marxuum Xaaji Maxamuud Cali (Gaange) oo ahaa ganacsade Soomaaliyeed oo maalgashi badan ku lahaa dalka.

Marxuunka ayaa muddo dheer soo ahaa wakiilkii Sharikaddii Somali Airlines ee dalalka Tanzania iyo Sacuudi Carabiya.

Marxuum Xaaji Maxamuud ayaa sidoo kale ahaa mulkiilaha hotelka caanka ah ee Dorbin ee ku yaalla nawaaxiga isgoyska Jubba ee magaalada Muqdishu.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa iyo asxaabtiisii. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo marxuumka, ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]