7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2022
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay safiirka Sweden ee Soomaaliya
 

Talaado, April, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowlada Sweden u fadhiya Soomaaliya, Amb. Per Lindgarde, oo Hargaysa u yimid si uu shacbiga Somaliland uga tacsiyeeyo khasaarihii uu gaystay dabkii burburiyay suuqa Waaheen ee Hargaysa.

"Amb. Per Lindgarde oo dalka u yimid isagoo ka wakiilada waddankiisa inuu shacbi weynaha Somaliland la qaybsado tacsida iyo tiiraanyada ka soo gaadhay masiibadii ka dhalatay dabka ee Suuqa Waaheen. Waxaanu safiirku sheegay inay ka xunyihiin ka dawlad iyo shacbi ahaanba dhibta soo gaadhay Suuqa Waaheen iyo ganacsigii weynaa ee Somaliland laf-dhabarta u ahaa" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Safiirka ayaa balan qaaday in ka dowlad ahaan ay diyaar u yihiin dhankooda in ay gacan ka gaystaan dib u dhiska suuqa, wuxuuna carabaabay in shir ay Nairobi ku yeelan doonaan wadamada ku midoobay Midowga Yurub, ay go'aan kaga gaadhi doonaan wixii dhaqaale ah ee reer Yurub ku caawinayaan Somaliland.

"Waxa kale oo uu xusay inay dhawaan isugu imanayaan shir deg-dega oo lagu qaban doono Nairobi, kana soo qayb-gelayaan dalalka isku bahaystay Midowga Yurub, shirkaas oo ay kaga arrinsanayaan sidii gacan dhaqaale looga gaysan lahaa masiibadii suuqa weyn ee Waaheen" ayaa markale lagu yidhi warbixinta madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa u mahadnaqay safiirka iyo dowlada Sweden, garab istaga ay u muujiyeen shacbiga Somaliland, isagoona warbixin ka siiyay xajmiga dhibaatada uu dabku u gaystay suuqa Waaheen.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]