7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2022
Xidlhibaannada labada aqal ee koonfur Galbeed oo Baydhabo ugu laabtay wada tashi la xiriira doorashada

Talaado, April, 5, 2022 (HOL) - In ka badan 60 xildhibaan oo isugu jira labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda koonfur Galbeed, kuna sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Socdaalka xildhibaannada Koonfur galbeed ayaa salka ku haya go’aankii kasoo baxay madaxweynaha Koonfur Galbeed ee lagu hakiyay wada shaqayntii kala dhaxaysay raysal wasaare Rooble.

Mukhtar Mohamed Guuleed oo katirsan xildhibaannada Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan carqaladayn joogto ah oo uu sheegay in lagu hayo arrimaha doorashada.

“Waxaa socda arrimo lid ku ah horumarada laga gaaray arrimaha doorashada, sidaas daraadeed, xidlhibaannada Koonfur Galbeed waxay isugu yimaadeen Baydhabo. Waxaana maalmaha soo socda yeelan doonnaa shir wadatashi ah, waxaana kasoo saari doonnaa war-murtiyeed,” ayuu yiri xildhibaan Mukhtaar Mohamed.

Dib u laabashada xildhibaannada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aaday xilli ay magaalada Muqdisho ka socoto shahaado siinta xildhibaannada kusoo baxay doorashooyinkii ka qabsoomay dalka.

Hase ahaatee, Koonfur Galbeed ayaa ka carraysan sababta saddex xildhibaan oo xildhibaannadooda katirsan looga reebay liiska barlamaanka ee Muqdisho lagu siinayo shahaadada xildhibaanimo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online