7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2022
Sheekh Shariif “Waa ayaan darro aad u weyn in hay’addii loo igmadey Amniga Qaranka dalka inay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada"
 

Talaado, April, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay qoraalkii xalay kasoo baxay Taliska Hay'adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed ee ahaa in NISA ay heshay warbixino la xariira qorsheyaal Shabaab ku doonayaan iney ku dilaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

Sheekh Shariif oo ka jawaab celinaayay qoraalka NISA kasoo baxay ayaa bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in warka NISA uu yahay mid muuqda sax ahaanshiyaha isku milanka NISA iyo Al-shabaab.

“Waa ayaan darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ugu baaqay Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Golahiisa wasiiradda iney qaataan masuuliyada amniga dalka, islamarkaana ay ka hortagaan wax walba oo qalqal galin kara amiga Shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed.

"Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay'adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay'adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka" ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa imaanaya xili xalay Haya'adda NISA ay barteeda Twitterka ay ku shaacisay iney heshay xogo muujinaya in Shabaab ay doonayaan iney khaarajiyaan madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble, taasoo Maanta noqotay mida ugu hadal heynta badan gudaha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online