7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2022
Galmudug oo war kasoo saartay khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka

Talaado, April, 5, 2022 (HOL) - War saxafadeed kasoo maamulka goboleedka Galmudug ayaa lagu sheegay in maamulka Galmudug uu ka walaacsan yahay, xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaanka doorashada dalka oo xiligan mareysa meel gabagabo ah.

Qoraalka kasoo baxay Galmudug ayaa loogu baaqay dhinacyada is haya iney wax waliba ku dhameeyaan wadahadal, si loo dajiyo xaalada dalka.

"Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka. Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Gabagabadii qoraalka kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in Galmudug ay adkayneyso baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online