7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2022
Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday inay joojisay wada shaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Rooble
 

Talaado, April, 5, 2022 (HOL) - Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inay joojyeen wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, waxayna sheegeen inuu raysal wasaaruhu lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada.

Koonfur Galbeed waxay sheegtay inay qaadayso tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso sarreynta sharciga iyo nidaamka Federaalka ah ee ay Soomaali ku heshiisay, waxayna cod dheer ku sheegtay in carqalad kasta oo doorashada ku timaado uu masuul ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wuxuu maamulku sharci darro ku tilmaamay go’aan xalay kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib markii uu guddiga doorashada ka saaray xubno katirsanaa, wuxuuna sheegay in go’aankaas uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka.

Koonfur Galbeed waxay caddeysay in marnaba aysan aqbali doonin waxay ugu yeereen damaca Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay si dhaw ula socotay in Ra’iisul Wasaaraha uu si sharci darro ah oo dano siyaasadeed ay ku jiraan uu u hor istaagay kuraas habraac sax lagu doortay, wuxuuna ka dhaga adaygay inuu joojiyo faragelinra qaawan ee uu ku hayay doorashooyinka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Koonfur Galbeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online