7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 5 , 2022
Raysal Wasaare Rooble oo guddiga doorashada ka saaray gudoomiyihii iyo xoghayihii hore ee guddiga doorashada
 

Talaado, April, 5, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xubinnimada guddiga doorashada heer federal ka saaray guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada heer federal, Maxamed Xasan Cirro iyo xoghayihii guddigaas Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam.

Raysal wasaaraha ayaa ku beddelay labo xubnood oo cusub oo lagu kala magacaabo, Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir oo lagu beddelay Cirro iyo Xasan Cali Yuusuf oo lagu beddelay Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam.

Tallaabadan uu qaaday raysal wasaare Rooble ayuu ku sheegay inay jawaab u tahay ficillo uu sheegay in lala doonayay in lagu carqaladeeyo hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT.

Wuxuu sheegay raysal wasaaruhu in xafiisyada qaar ay doonayaan in ay hor istaagaan dhammeystirka doorashada, isagoo tusaale usoo qaatay warqad kasoo baxday Gudoomiyaha guddiga doorashada, kuna saabsan in xubno ka tirsan guddigu ku kaceen falal lagu hor istaagayo habsami u socodka shaqada guddiga.

Dhinaca kale, raysal wasaaraha ayaa digniin u jeediyay  xubnaha kala ah:

1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur

2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed

3. Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax

4. Axmed Aadan Dagaal

5. Sacdiyo Xasan Xuseen

Raysal wasaate Rooble wuxuu sheegay in ay jiraan isbaheysiyo gudaha iy dibadda ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago dhammeystirka howlaha doorashooyinka, si dalka looga abuuro degganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online