7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2022
Guddiga doorashada heer federal oo sheegay in maanta lagusoo weeraray xarunta shahaado siinta barlamaanka
 

Isniin, April, 4, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashooyinka, ayaa sheegay in guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka, Maxamed Xasan Maxamed Cirro iyo Xoghayihii guddiga Cabdirixiin Cabdicasiis Adam, ay soo weerareen xarunta guddiga.

Guddiga waxay sheegeen inay xubnahan isku dayeen inay qalalaase ka dhex abuuraan goobta ay shahaado bixintu ka socotay saddexdii maalmood ee ugu dambeysay.

War qoraal ah oo guddiga doorashada uu soo saaray ayay ku sheegeen in xubnahan ay ku shaqeynayaan fikrado gurracan oo xagal-daacinaya shaqada doorashada.

"Waxay ka dhigantahay in caqabado iyo jid-gooyo hor leh lagu abuurayo doorashada iyaga oo dhexda mareyso shaqada shahaada bixinta Xildhibaanada la doortay,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashada kasoo baxay.

Hadalkooda ayaa yimid, saacaddo kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay, in 13 xubnood oo katirsan guddiga doorashada ay fasaxeen kuraastii horey loo hakiyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online