7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2022
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay lacagta ay dowlada Soomaaliya ku taageerayso
 

Isniin, April, 4, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa dowlada iyo ganacsatada Soomaaliya uga mahadcelisay, lacagta ay kaga qayb qaadanayaan dib u dhiska suuqa Waaheen, sidookale Waxay ay sheegtay in lacagta 11 ka milyan ah ay Somaliland lahayd.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland Cumar Cabdillaahi Badde, oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa dowlada iyo ganacsatada Soomaaliya uga mahadceliyay qaadhaanka ay kaga qayb qaadanayaan dib u yagleelida suuqa Waaheen ee Hargaysa.

"Soomaaliya waanu uga mahadcelinaynaa in ay dareenkaa muujiyeen iyo in ay ku yabooheen, iyo 3 milyan oo ay yidhaahdeen waxa laga bixinayaa miisaaniyada...waxa kale oo aanu u mahadcelinaynaa ganacsatadooda oo 2 milyan oo dollar arrintaa kaga qayb qaadanaya" ayuu yidhi wasiir Badde.

Wasiirka ayaa dhinaca kale, dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay siyaasadaysay deeqaha caalamku ugu talo galay Somaliland, waxaanu sheegay in lacagta 11 ka milyan ah ee raysal wasaare Rooble sheegay in uu Somaliland u fasaxayo ay ahayd lacag Somaliland lahayd.

"Lakin, waxaa la yaaab leh in Soomaaliya, ay siyaasadayso deeqihii, oo ay kamid tahay lacagta 11 milyan ee dollar ah, shacabka reer Somaliland waxan u sheegaynaa lacagtaa inaga ayaa lahayn, lacagtaa Soomaaliya ma lahayn, waxay kamid ahayd kabka miisaaniyada ee Bangiga Adduunku ugu deeqay wixii laysku odhan jiray Soomaaliya"  ayuu yidhi wasiir Badde.

Wasiirka ayaa sheegay in ka Somaliland ahaan ay aaminsanyihiin in Bangiga Adduunku uu dowlada Soomaaliya culays ku saaray in ay lacagtan Somaliland ku wareejiso, burburka ka dhashay dabkii qabsaday suuqa Waaheen ee Hargaysa awgeed.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online