7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2022
Xildhibaan Sanbaloolshe oo weerar afka ah ku qaaday Saraakiisha NISA ee ka mid noqday Baarlamaanka 11-aad ee dalka
 

Isniin, April, 4, 2022 (HOL) - Agaasimahii hore ee Hay'adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo Maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo iyo Kaarka aqoonsiga Golaha Shacabka ayaa fariin adag u diray Xildhibaanada cusub ee wali aanan qaadan shahaadada Xildhibaanimo.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa si gaar ah hadalkiisa ugu weeraray saraakiisha NISA ee kasoo mid joqday Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo aan wali qaadan shahaadada Xildhibaanimo, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Maanta qaatay shahaadadiisa Xildhibaanimo.

"Xildhibaannada nin aan xur aheyn haddii uu qaato shahaadadiisa, hadhow xur uma ahaan doona codkiisa, si xur ah dadkiisa iyo deegaankiisa kuma matali karo, Waxaa la rabaa Xildhibaannada dadkii ku dhaqmi lahaa oo dowladnimada ku hoggaamin lahaa dalka inaa badbaadisaan la idinku tala galay ee Askar amar qaadata inaa noqotaan la idinkuma tala galin” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sidoo kale sheegay in qofkii doonaya inuu doorashada dib u dhigo inuu sabab u yahay dib u dhaca ku yimaada dalka, isagoona intaa raaciyay in loo baahan yahay in laga heshiiyo waxii madmadow ah ee jira.

Hadalkaan kasoo yeeray Xildhibaan  Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa kusoo aadaya, xili Xildhibaannada qaar oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay wali aysan qaadan shahaadada Xildhibaanimo, islamarkaana warar hoose ay sheegayaan in qaar ka mid ah Xildhibaannadaas lagu amray in aysan qaadan shahaadada Xildhibaannimo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online