7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2022
Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo sheegay in Al-Shabaab khasaare xooggan ku gaarsiiyeen weerarkii koonfurta Mudug

Isniin, April, 4, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidamada milateriga Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in Al-shabaab khasaare xooggan lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee gobolka Mudug.

Taliye Odowaa ayaa xaqiijiyay in ciidamada xagga dalka ay dileen 7-dagaalyahan, kuwo kalena ay dhaawaceen, kadib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen agagaarka deegaanka Wisil oo ku dhow degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Labo kale ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab ayuu sheegay in nolosha lagu qabtay iyagoo dhaawac ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ciidamadu fashiliyeen weeraro qaraxyo ah oo lala damcsanaa in lagu weeraro deegaannada Galmudug.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa wuxuu wacad ku maray in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab inta laga saarayo guud ahaan gobolka Mudug oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin xeryo tababaro.

Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haysa dhul badan oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay kasoo abaabulaan qaraxyo iyo weerarro ka dhan ah dowladda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online