7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2022
Faysal Cali Waraabe: Lacagta Muqdisho soo daysay waa lacagteeni

Isniin, April, 4, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in lacagta malaayiinka dollar ah ee dowlada Soomaaliya Somaliland usoo daysay ay tahay lacag Somaliland leedahay, wuxuuna ra'iisal wasaare Rooble uga mahadceliyay soodaynta lacagta.

"Anuu odhan maayo dowlada Soomaaliya eh dowlada Muqdisho, dowlad Soomaaliyeed oo jirtaa ma jirto, waa iska indho sircaade, Lacagtan Muqdisho ay soo daysay, lacagtani waxa weeyi lacag aynu inagu lahayn" ayuu yidhi Faysal.

Faysal, ayaa sheegay in shirkii Istanbul ay ku yeesheen xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya, sannadkii 2013 lagu heshiiyay in wixii deeq ah Somaliland si gaar ah loo siiyo, iyo in aan la siyaasadayn maalgashiga, lakinse ay dowlada Farmaajo heshiiskii ka baxday isla markaana ay xanibtay lacagihii loogu talo galay horumarinta Somaliland.

"Nasiib daro markay dowladani timiday Farmaajo ayaa inaga horjoogsaday, lakinse dee wuu mahadsanyahay, Raysal Wasaare Rooble, dee lacagteeni ayuu inoo soo daayay, waana wexeenii oo waajibku mahadnaq malahe, qaar kalena way inaga xaniban yihiine, Rooblow waxaanu kaa codsanayna kuwa kalena in aad soo dayso" ayuu yidhi Faysal.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadal uu madaxtooyada Somaliland ka jeediyay xafladii sannad guurada 26 Juun ku sheegay in lacag ka badan 60 milyan oo dollar ay Somaliland kaga xanibantahay qasnada dowlada Soomaaliya, lacagtan oo caalamku ugu talo galalay horumarinta Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]