7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya Qarax duuleedka Muqdisho lagula beegsaday kolanyo ka tirsan Ciidamada AMISOM

Isniin, April, 4, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya duuleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa deegaanada Xaawo Cabdi iyo Lafoole ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino lagula eegtay kolanyo ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku socdaalayay wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa miinada oo ahaa nooca dhulka la dhigo, islamarkaana laga hago meelaha fog fog ayaa la sheegay inuu qabsaday mid ka mid ah gawaaridii ay saarnayeen ciidamada AMISOM, waxaana qaraxa jugtiisa ay aheyd mid xoogaan oo si weyn looga maqlay deegaanada dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Dagaalamayaasha Al-shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxa lala beegsaday kolanyada ciidamada AMISOM ayaa waxay sheegeen in qaraxaasi uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan AMISOM, islamarkaana uu gubtay gaarigii qaraxa uu qabsaday.

Qaraxa kadib waxaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay fureen rasaas fara badan, islamarkaana ay hakad mudo kooban ah ay galiyeen isku socodka gaadiidka iyo dad weynaha isticmaala wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka saraakiisha ciidamada AMISOM oo ku aadan qaraxa miino ee lala eegtay kolanyada ka tirsan ciidamadooda, waxaana goordhaw dib u furmay isku socodka gaadiidka iyo dad weynaha wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye oo mudo kooban u xirneyd ciidanka qaraxa lala beegsaday.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online