7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2022
Qaramada Midoobay: 501 qof ayaa Soomaaliya ugu geeriyooday waxyaabaha Qarxa sannadkiii 2020
 

Isniin, April, 4, 2022 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in haraadiga qaraxyada iyo miinooyinka ka dhashay colaadaha Soomaaliya ay wali saameyn xun ku hayaan badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed.

"Haraadiga qaraxyada iyo miinooyinka ka dhashay colaadaha Soomaaliya ka socday sannado badan ayaa wali saameyn xun ku haya badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed, waxayna carqaladaynayaan dadaallada horumarineed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay inay ka go'an tahay in ay kala shaqeeyaan maamulada Soomaaliya iyo la-hawlgalayaashooda miino saarista, taasoo uu sheegay inay sahlayso dhismaha nabadda, bini'aadantinimada, iyo dadaallada horumarinta dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaaliya.

Sannadkii 2020, 501 qof oo rayid ah ayaa u geeriyooday waxyeelo kasoo gaartay walxaha qarxa iyo dagaalada. Sannadkii 2021, tirada dhaawacyada ayaa korortay oo gaartay 669 dhaawac ah, sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Magaalooyinka Dhabad iyo Galdogob oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayaa kamid ah magaalooyinka ay sida xun u sameeyeen haraadiga Qaraxyada, waxaana dadka halkaas ku nool ay cabsi darteed uga qaxeen guryahooda iyo beerahoodii.

Hay’adda miino barista Qaramada Midoobay UNMAS, ayaa sheegtay inay Soomaaliya ka caawisay sidii loo dhimi lahaa khatarta ka imanaysa walxaha qarxa, sida, gantaalada, rasaasta iyo bambooyinka gacanta.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay si dhow ula shaqeyso khubarada ku taqasusay wax ka qabashada miino saarista  ee heer qaran iyo heer caalami, si ay uga jawaabaan khataraha soo wajaha bulshooyinka, iyadoo kor loo qaadayo awoodda ay Soomaalidu u leedahay hoggaaminta iyo isku dubaridka jawaabaha wax ka qabashada miinada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online