7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2022
Shil gaari oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay wadada xiriiisa Garowe iyo Qardho
 

Isniin, April, 4, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyey laba qof oo shacab ah ayaa saakay geeriyooday halka afar kalana ay dhaawacmeen kadib markii uu shir Gaari ka dhacay wadada xiriirisa Garowe iyo Qardho ee Puntland.

Shilka ayaa ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo ah kuwa xamuulka qaada sida ay Warbaahinta u sheegeen saraakiisha ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland .

Shilalka gaadiidka ayaa kusoo badanaya Puntland, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay ay dad badan ku geeriyoodeen wadada xiriirisa Garowe iyo Bosaso.

Laamaha amniga waddooyinka ayaa u sababeeyay shilalka masuuliyad darrada darawaliinta gaadiidka oo si xowli ah gaadiidka u kaxeeya, xilli qeybo kamid ah waddooyinku ay burbursan yihiin.

Dhowaan ayay ahayd markii lix askari oo katirsan ciiddanka madaxtooyada Puntland ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay wadada Garowe iyo Gaalkacyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online