7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2022
Doorashada hal kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Baledweyne

Isniin, April, 4, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan lagu qabto doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaaanka Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Baledweyne.

Kursiga Maanta doorashadiisu iney dhaceyso ay shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa ah kursiga HOP 039, kaasoo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay ku fadhisay Maryan Axmed Haaruun, islamarkaana u taagan iney markale u tartanto kursigaan.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa Xalay shaaciyay jadwalka qabashada doorashada iney Maanta tahay oo isla Maantana la diiwaan galinaayo Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan kursigaan HOP 039.

Hadii doorashada kursigaan ay Maanta dhacdo waxaa ku haraya Baledweyne oo deegaan doorashada labaad ee Hirshabeelle ah hal kursi oo ah kursiga HOP 035, kaasoo ah kursigii ay ku fadhisay afartii sano ee lasoo dhaafay Allah u naxariiste Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo dhawaan lagu dilay qarax Ismiidaamin ah oo lagula beegsaday afaafka hore ee madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online