7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2022
Shir looga hadlayay adkaynta amniga garoonka Aaden Cadde oo Muqdisho ka dhacay

Isniin, April, 4, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa shir guddoomiyay shir la xariira Amniga Garoonka Aden Cabdulle ee Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda, Agaasimaha Guud, Maareeyaha Hay'add Duulista Rayidka ah, Maareeyaha Garoonka Aden Cabdulle, Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Saraakiil kale, waxaana lagu lafa guray Amniga Garoonka iyo sidii loo xaqiijin lahaa.

Shirkaan ayaa kusoo aaday kadib Shaqaaqadii 23 March 2022 waxaana Wasiir Gaadiidka uu ku dhagaystay Warbixin la xariira dhacdadaas iyo xogo Hay'adaha Amiga soo aruursheen.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulusta Hawadda Md Duran Farah ayaa faray Hay'adaha amniga in la xoojiyo sugida amniga garoonka iyo xayndaabkiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online