4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2022
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in la dhameystirayo soddonka bisha Ramadaan
 

Sabti, April, 30, 2022 (HOL) - Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee xukuumada Soomaaliya ayaa ku wargalisay shacabka Soomaaliyeed in maalinta beri ah la dhameytirayo 30-ka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wasaaradda ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay inaysan jirin illaa iyo hadda meel laga arkay bisha Shawwaal, sidaas daraadeed waxay shaacisay oo dadka ku wargalisay in berrito la soomayo.

Sacuudiga  oo ay Soomalidu aad ugu xiran tahay ayaa shaaciyay in la dhamesytirayo soddonka cishe ee bisha Ramadan, wuxuuna tilmaamay in maalinta isniinta oo ku beegan labada May la Ciiddi doono.

Soomaaliya gudaheeda labo waqti ayay dadku kala soomeen, hase ahaatee waxaa la filayaa in ciiddan si wadajir loo wada ciiddi soono.

Khilaafka dhinaca Ciiddaha iyo Ramadaanka ayaa ah mid muddo dheer soo jiitamayay, waxaana sanad walba inta badan yimaada khilaafla arrintaan la xiriira.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]