4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2022
Somaliland: Taiwan oo boqollaal kun oo dollar ku wareejisay guddida dib u dhiska suuqa Waheen
 

Sabti, April, 30, 2022 (HOL) - Xukuumada Taiwan, oo kasoo jawaabtay baaqi uu madaxweynaha Somaliland caalamka kaga codsaday dhaqaale dib loogu dhiso suuqa Waheen, ayaa xukuumada Somaliland ku wareejisay lacag dhan $550,000 iyo qalab kale.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa deeqdan ka guddoomay wakiilka Taiwan u jooga Somaliland amb Allen Lou, "Aniga oo matalaya dowlada Taiwan iyo laba hay'addood oo Taiwan laga leeyahay, waxan jecelahay in aan  $550,000 oo ah taakulo deg deg ah ku wareejiyo guddida gurmadka suuqa" sida waxa yidhi amb Lou.

Sh. Albaan oo u mahadceliyay xukuumada Taiwan, ayaa sheegay in Taiwan ay tahay waddankii ugu horeeyay ee kamid ah waddmada deeqda bixiya ee kasoo jawaaba baaqa madaxweynaha "Deeqda suuqa Waaheen oo uu halkan safiirku ka sheegay in ay tahay, deeq deg deg ah, oo dhiig joojin ah oo ay  ah oo ay kaga qayb galayaan taakulaynta suuqa Waheen, Taiwan wadamada deeqda bixiya waa waddankii ugu soo horeeyay".

Xukuumada Somaliland ayaa ku jirta dadaalo dib loogu xoolaynayo ganacsatadii ku xoolo beelay gubashada suuqa Waaheen, iyadoo lacago dib loogu qaybiyay tiro kamid ah ganacsatada dabaqada hoose iyo dhexe.

Madaxweynaha Somaliland ayaa caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay soo ururiyaan lacag dhan laba bilyan oo dollar si markale dib loogu yagleelo suuqa Waheen.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online