4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2022
Madaxweyne Farmaajo oo Maanta kulan la qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka
 

Sabti, April, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta Madaxtooyada Qaranka kulan soo dhoweyn ah kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay guddoomiyaha iyo dhammaan guddoonka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aadan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, isaga oo bogaadiyey guddoonkii hore ee Golaha Shacabka sidii xilkasnimada lahayd oo ay u guteen waajibaadkoodii iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay ku guulaysteen Baarlamaankii 10-aad ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa dhabkiisa Madaxwaynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo uga mahadceliyey kulankan iyo soo dhoweynta diirran.

Gabagabadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoonka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Kulankaan ayaa imaanaya xili uu Maanta si rasmi ah ula wareegay shaqada guddoonka Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe oo 28-kii bishaan Apriil loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soonaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online