4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2022
Doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar
 

Sabti, April, 30, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ay ka qabsoonto doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Kuraasta Maanta doorashadooda ka dhaceyso magaalada Jowhar ayaa kala ah HOP 135, HOP 141, HOP 146, waxaana horay ugu kala fadhiyay sadaxda kursi wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, wasiir hore Abuukar Isloow Ducaale iyo Aamino Cabdi Maxamed oo dhawaan lagu dilay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Baledweyne.

Warar soo baxaya ayaa waxay sidoo kale sheegayaan in kursiga HOP 146, oo uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur inuu Musharaxiinta kursiga ku tartami doonta uu ka mid yahay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kursiga HOP 135, oo ka mid ah kuraasta la qabanayo Maanta doorashadooda dhaceyso waxaa horay ugu fadhisay Allah u naxariistee Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi, waxaana haatan ku tartamaya musharixiin ay ka mid tahay walaasheyd oo lagu magacaabo Samsam Maxamed Cabdi, waxaana kursigaan uu ka mid ahaa kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne, hayeeshee madaxda Hirshabeelle ay u wareejisay magaalada Jowhar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online