4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2022
Kenya oo sheegtay inay qabatay hub sharci darro ah oo Alshabaab weeraro uga geysan lahayd dalkeeda
 

Sabti, April, 30, 2022 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay hub sharci darro ah oo ay sheegtay inay lagasoo daabulay Soomaaliya kuna sii jeeday Kenya, si Alshabaab ugu fuliyaan weeraro argigixiso oo dalkeeda ka dhaca.

Hubka la qabtay ayaa isugu jiray 11 kamid ah qoryaha fudud ee loo yaqaano AK47, 210 xabo oo rasaas ah, & agabyo kale.

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihina Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay hub ka soo daabuleen Soomaaliya, una wadeen dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay hubkaan inuu qeyb ka yahay weeraro qorsheysan oo lala damacsanaa inay ka dhacaan gudaha Kenya, balse ay ciidamadeeda amaamnku fashiliyeen weerarkaas.

Labada nin ee la qabtay ayay Booliiska Kenya sheegeen inay ka tirsan yihiin ciidamada saadka Alshabaab, kuwaas oo hubkaan doonayay inay galiyaan magaalada  Mandheera si ay Alshabaab weeraro uga geystaan Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]