4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2022
Guddoonka cusub ee golaha shacabka oo maanta xilkooda la wareegaya
 

Sabti, April, 30, 2022 (HOL) - Guddoonka cusub ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta la wareegaya xilkooda, iyagoo shir guddoomindoona kulankii ugu horreeyay ee barlamaanka.

Qoraal xalay loo diray xildhibaannada ayaa lagu wargaliyay inay yimaadaan xarunta barlamaanka ee Villa Hargeysa, halkaas oo ay maanta khudbado ka jeedindoonaan guddoomiyihii kumeel gaarka ahaa, guddoomiyihii hore iyo guddoomiyaha cusub.

Todobaadkii hore xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya ayaa doortay guddoonka cusub ee barlamaanka, iyagoo isbedel cusub u horseeday golaha shacabka, taasoo oo loo arko mid saamayn ku yeelan karta tartanka loogu jiro hoggaanka dalka.

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda olole siyaasadeed oo maraya heerkii ugu sarreeyay, iyadoo musharraxiinta madaxweynaha ay dadaal xooggan ugu jiraan sidii ay ku kasban lahaayeen xildhibaannada.

Illaa iyo hadda midowga musharraxiinta ayaa ku guulaystay inay saameyntooda ka dhex muuqato doorashada barlamaanka, iyagoo hadda u xusul duubanaya sidii ay Meesha uga saari lahaayeen hoggaanka dalka ugu sarreeya sida madaxweynaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]