7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2022
Xukuumada Somaliland oo u mahadcelisay Ra'iisal Wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya

Axad, April, 3, 2022 (HOL) - Madaxtooyada Somaliland ayaa u mahadcelisay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khadka telefoonka uga soo tacsiyeeyay madaxweynaha iyo shacabka Somaliland.

Madaxtooyada Somaliland ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Twitterka, ugu mahadcelisay madaxda Soomaaliya, oo khadka telefoonka uga soo tacsiyeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib masiibada ka dhalatay dabka burburiyay suuqa Waaheen ee Hargaysa.

Qoraalka madaxtooyadu kaga jawaabtay tacsida ra'iisal wasaaraha ayaa lagu yidhi, "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane  Musebiihi, waxa uu u mahad-celinayaa Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Mohamed Xuseen Rooble, oo khadka telefoonka uga soo tacsiyeeyey Shacabka Somaliland dhibkii soo gaadhay Suuqa Hargeysa".

Madaxtooyada ayaa sidookale u mahadcelisay madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu yidhi qoraalka mahadnaqa ah "Madaxaweynaha JSL waxa uu sidoo kale u mahad-celinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Md. Farmaajo, oo khadka telefoonka ka soo tacsiyeeyay shacabka Somaliland. Waxa uu sidoo kale Madaxweynuhu bogaadinayaa Shacabka Soomaaliya oo ka xumaaday khasaarihii gaadhay  Suuqa Hargeysa"

Ra'iisal wasaaraha ayaa dhinaca kale  maanta qalinka ku duugay in Somaliland loo fasaxo ku dhawaad 12 milyan oo dollar, oo dowladaha deeqda bixiya ay hore ugu talo galeen mashaariicda horumarinta Somaliland, laakin aan Somaliland hore usoo gaadhin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online