7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2022
Qaramada midoobay oo war kasoo saartay dabkii burburiyay Suuqa Hargaysa

Axad, April, 3, 2022 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ka murugaysanyihiin dabka galaaftay suuqii ugu waynaa Somaliland ee Waaheen, waxayna sheegeen in ay ka qayb qaadanayaan dadaalada wax lagaga qabanayo masiibada.

Qoraal kusoo baxay Afsoomaali oo lagu baahiyay bogaga xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in shaqaale ka socda Qaramada Midoobay loo dirayo magaalada Hargaysa si ay ugu biiraan shaqaalahooda Somaliland ku sugan,  oo ay ugala qayb qaataan howlaha gurmadka, waxayna sheegeen in ay qalbiyadoodu la jiraan dadka dhibaataysan.

"Qaramada Midoobay waxa ay si qoto dheer leh uga tiiraanyootay warka ku saabsan dabkii ka kacay suuqa magaalada Hargeysa oo saamayn xooggan ku yeeshay nolosha dadka, waxa ayna u diraysaa koox ka kala socota hay’adaha si ay ugu biiraan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo maamulka halkaas ku sugan si ay wax uga qabtaan khasaarahaas. Qalbiyadeennu waxa ay la jiraan kuwa ay dhibaatadu saameysey".

Magaalada Hargaysa waxaa ka soconaya gurmad la doonayo wax lagaga qabto khasaaraha ka dhashay dabkii qabsaday suuqa Waaheen, waxaana la rajaynayaa in umada Soomaaliyeed, hay'addaha caalamiga ah iyo dowladaha caalamka ee Somaliland saxiibka la ihi ay gacan ka gaystaan in Suuqa Waaheen uu markale cagisiisa ku istaago.

Dabkan oo socday muddo ku dhow 30 saacadood ayaa gabi ahaanba dhulka la simay suuqa Waaheen, warbixin hor dhac ah oo laga soo saaray khasaaraha uu dabku sababayna waxay sheegaysa in hanti u dhiganta 2 bilyan oo dollar ay ku burburtay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]