1/5/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo amar deg deg ah ku bixiyay in Soomaaliland loo fasaxo lacag dhan 12 Milyan oo doolar

Axad, April, 3, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw soo saaray amar deg deg ah oo ku aadan si dhaqso leh loo fasaxo lacag dhan $11,700,000, Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar, taasoo ku jirta xisaabta dowladda Federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaan uu fasaxay Raysal waaaaraha ay tahay deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Soomaaliland.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Fasaxa deg dega ah ee lacagtaan ayuu Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu ku sheegay iney tahay mid lagu xoojinayo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii xooganaa ee  baabi’iyay suuqa weyn ee Magaalada Hargeysa, kaasoo geystay khasaaro hantiyadeed oo gaareya 2 Bilyan oo dollar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online