7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2022
Xukuumadda Soomaaliya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay in Sadax Milyan oo doolar uga qeyb qaadanayaan gurmadka Ganacsatii Hargeysa ku Hanti beeshay

Axad, April, 3, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kulan ku wada yeeshay Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ah wehlinayeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumaddiisa iyo xubno ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlaayay sidii gurmad loogu sameyn lahaa ganacsatii ku hanti beeshay dabkii habeen hore ka kacay Suuqa ugu weyn magaalada Hargeysa ee Soomaaliland, kaasoo ay ku basbeeleen xarumo ganacsi oo aad u waa weynaa.

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulanka iclaamiyay ayaa ganacsatada ka dalbaday iney ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo walaalala reer Soomaaliland ee ku hanti beelay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Raysal wasaare Rooble ayaa shaaciyay in Xukuumadda Soomaaliya ay uga qeyb qaadaneyso u gurmaashada dadkii ku hanti beelay dabka khasaaraha badan geystay lacag dhan hal malyan oo doolar, islamarkaana waxii kale ee karaamkooda ahna ay ka qaadan doonaan.

"Kulan Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble uu la yeeshay ganaacsatada Soomaaliyeed oo Looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii kdabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa, ayaa looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar taas oo 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso XFS halka 2 Milyan oo Doollar ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Dhinaca Guddomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali (Gabeyre)  ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Soomaaliland ay yihiin kuwa isku gurmada marwalba oo ay dhibaato timaado, isagoona sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee reer Muqdisho ay gurmadka walaalaha Soomaaliland uga qeyb qaadanayaan lacag dhan laba Milyan oo doolar.

Kulankaan ayaa imaanaya xili Suuqa ugu weyna deegaanada Soomaaliland uu habeen hore ku basbeelay dab xoogaan oo ka kacay gudaha Suuqaasi, waxaana qiimeyn hordhac ah oo maamulka Soomaaliland uu shaaciyay ay noqotay khasaaraha hantiyeed ee dabkaasi geystay mid gaaraya 2 Bilyan oo doolar.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online