7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2022
Waalidiinta ay carruurtooda la noolyihiin xaaladda Autism-ka oo bulshada kala kulma aflagaado iyo faquuq

Axad, April, 3, 2022 (HOL) - Maalinta caalamiga ah ee xaaladda Autism-ka ayey ku beegneyd 2-adii bishan, waxaana Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay sheegtay in qiyaas ahaan mid kamid ah 160-kii carruur ah ee ku nool adduunka uu qabo xaaladdaas.

Dhibaatada uu sida gaarka ah u leeyahay cudurkan ayaa ah inuu hakiyo, ama uu dib-u-dhac weyn ku sameeyo korriinka xagga fahamka iyo hadalka ee carruurta.

Dalalka soo koraya sida Soomaaliya oo kale lagama hayo xog rasmi ah oo ku saabsan xalaadda Autism-ka.

Hooyo Saamiya Maxamuud Cali iyo Aabe Haashim Ducaale, ayaa wiil ay dhaleen oo lagu magacaabo Ismaaciil Haashim Ducaale uu la noolyahay xaaladda Autism-ka. Labadan waalid oo ku nool England ayaa sheegay in dhibka ugu weyn ay tahay in waalidkii la faquuqay ay dareemaan culeys, kaas oo ku qasbaya in carruurta ay ku hayaan guryaha, kana lumiyaan waqtigii ay wax ku baran lahaayeen.

Hooyo Saamiya waxaa ay sheegtay in markii ugu horreysay ay fahantay heerka ay gaarsiisantahay xaalada lagu sheegay curudkeeda, kaddib markii ay telefeshinka ka daawatay dhaqtar ka hadlaya xaaladdaasi.

“Maan fahamsaneyn waxa uu yahay Autism-ka, nolosheyda ma aan arkin qof la nool xaaladdaasi, habeenkaasi markaan fahmay waxaan ooynayay wakhti fara badan” ayey tiri.

Hooyo Saamiya, caqabadaha ay la kulanto waxaa kamid ah in magacyo kala duwan loogu yeero wiilkeeda Ismaaciil, dadka qaar ayaa ugu yeera “Gabadha heysata wiilka xanuunsan”.

Haashim Ducaale, ayaa sheegay in caqabadahaasi looga gudbi karo in waalidka uu fahmo in carruurta uu Ilaaheey siiyay, iyagana ay saarantahay masuuliyadooda. Bulshada ayuu ugu baaqay in culeyska ay ka qaadaan waalidka heysta carruurta la nool xaaladda Autism-ka.

“Mararka qaarkood ilmaha ayaa lagu hayaa guryaha iyadoo laga cararayo cayda dadka”, ayuu sii raaciyay.

“Shaqadaada waa 24 saac marka ilmahaaga uu yahay mid baahiyaha gaarka ah qaba. Haddii bulshada ama deriska aysan dhihi karin maanta waa idinka nasineynaa, ma ahan in ay aflagaago u geystaan waalidka”, ayuu raaciyay.

Ilaa iyo hadda cilmi-ahaan looma ogga sababaha keena xaaladdan, lama hayo daawo rasmi ah oo lagu dabiibi karo.

Xarunta xakameynta iyo ka hortaga xanuunada Mareykanka ee CDC ayaa sheegtay in qiyaastii boqolkiiba hal qof uu la noolyahay xaaladda Autism-ka bulshada caalamka oo dhan, taas oo ka dhigan in 75 milyan oo qof ay la noolyihiin xalaadda Autism-ka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]