7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2022
Xildhibaan Aadan Madoobe: Ma ahan arrin sax ah in xildhibaannada Koonfur Galbeed loo diido inay shahaadada qaataan
 

Axad, April, 3, 2022 (HOL) - Xildhibaan Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo katirsan xildhibaannada lagasoo doortay Koonfur Galbeed ayaa arrin aan sax ahayn ku tilmaamay in xildhibaannada deegaan doorashadiisa loo diido inay shahaadada xildhibaanimo qaataan.

Xildhibaan Aadan Madoobe oo maanta Muqdisho ku qaatay shahaadada xildhibaanimo, noqdayna xildhibaankii ugu horeeyay ee  koonfur Galbeed ah ee qaaa shahaadada, ayaa sheegay in xildhibaanada lagu cadaadinayo inaysan shahaado qaadan.

“Qof kaste oo la dulmiyay waan kasoo horjeednaa. In caddaalad la helaan u baahannahay. Wixii la dhibsaday nidaam loo kala baxayaa jira, laakiin dadkii doorashadooda xallaal waaye la yiri, in laga hor istaago shahaadadooda waxayna noqonaysaa caddaalad darro kale,” ayuu yiri xidlhibaan Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe waxaa uu ku dhiirri galiyay xildhibaannada koonfur Galbeed inay qaataan shahaadada, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Wuxuu ugu baaqay inay ka tashadan aayahooda.  

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 100 xildhibaan ayaa magaalada Muqdisho shahaado lagu siiyay maanta iyo shalay. Laakiin xildhibaannada Koonfur Galbeed ayaa diidan inay qaataan, iyagoo kasoo horjeeda saddex xildhibaan oo laga reebay barlamanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online