7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2022
Wafti ka socda dowlada Jabuuti oo soo gaadhay Somaliland
 

Axad, April, 3, 2022 (HOL) - Wafti ka socda dowlada Jabuuti oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Siciid Nuux, oo safar ku yimid Hargaysa, ayaa booqday suuqa Waaheen ee dabku burburiyay.

Waftiga ayaa Hargaysa u yimid si ay shacbiga Somaliland ugu muujiyaan dareen walaalnimo iyo garab istaag wakhtigan adag, iyaga oo sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan taakulaynta dadkii ku hanti beelay dabka burburiyay suuqa Waaheen.

"Si gaara ayay noo taabatay markii aanu halkan nimid iyo intii aanu soo soconayba, intii dowlad-nimo, intii walaalnimo iyo intii xigto ee baayacmushtarka ka dhaxaysayna, intaba diyaar ayaanu u nahay" sida waxa yidhi wasiir Siciid Nuux.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jabuuti Yusuf Muuse Dawaale oo isna kamid ahaa xubnaha waftiga ayaa sheegay in khasaaraha uu indhihiisa ku arkay uu aad u balaadhanyahay, wuxuuna xukuumada iyo shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyey isku duubnida ay muujiyeen ee ay ku xakameeyeen dabka.

"Marka laga sheekaynayo iyo marka la arko isku mid maaha, waxaan arkaynaa in dab aad u balaadhan iyo khasaaro balaadhani meeshaa ka dhacay, waxaanan rajaynayaa in dadkii Alle ka gar gaaro, idinkana aanu idin hambalyayno oo aanu idin nidhaahno sidan aad samayseen waa si fiican, waxaanu u nimid in aan tusno in dadwaynaha in ay walaal leeyihiin oo reer Jabuuti ah" ayuu yidhi Dawaale.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Mayorka Caasimada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa waftiga iyo dowlada Jabuuti uga mahadceliyay garab istaaga ay muujiyeen.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]