7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2022
Ciidanka Danab iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo gacanta ku dhigay Gaari qaraxyo siday iyo xubno ka tirsan Shabaab
 

Axad, April, 3, 2022 (HOL) - Ciidamo ka tirsan Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab iyo kuwa Daraawiishta maamulka Galmudug ayaa howlgalo qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada iskaashanaya ayaa sheegay in howlgalkooda ay kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Gaari siday walxa qarxa, waxaana howlgalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Cadalle oo ay dhawaan Al-shabaab la warageen, islamarkaana ay dab qabadsiiyeen guryo badan oo halkaasi ku yaalay.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay iney ka hortageen qaraxyo miino oo ay sheegeen in Shabaab doonayeen iney ku aasaan wadada u dhaxeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Deegaano badan oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxaa maalmahii lasoo dhaafay ka jiray dagaalo xoogan oo halkaasi ku dhexmaraayay dagaalamayaasha Al-shabaab iyo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online